Gumeysiga Faransiiska – raadkiisa taariikheed iyo mustaqbalka qaaradda Afrika

Madaxweynaha Faransiiska, Emmanuel Macron, ayaa dhawaan hadal ka jeediyay oo ku baaqay in hoggaamiyeyaasha Afrika ay u mahadceliyaan taageerada ciidanka Faransiiska ee gobolka Saaxil. Hadalkan wuxuu dhaliyay caro iyo dhaleeceyn ballaaran oo uga timid siyaasiyiinta iyo bulshada rayidka ah ee Afrika, kuwaas oo ku tilmaamay inuu hoos u dhigay saameynta baaxan ee gumeysiga iyo faragelinta Faransiiska ee qaaradda.
Faransiiska wuxuu gumeysanayay dalalka Afrika muddo qarniyo ah, isagoo si ba’an u boobay kheyraadka dabiiciga ah sida dahabka, uraniyumka, iyo batroolka. Boobkan wuxuu gacan ka geystay koboca dhaqaalaha Faransiiska, halka Afrikaanka saboolnimada lagu sii adkeeyay. Nidaamka lacageed ee CFA franc, oo weli ay isticmaalaan dalal badan oo uu gumeysan jiray, wuxuu astaan u yahay saameynta gumeysiga dhaqaale ee sii socota.
Dhibaatooyinka gumeysigu kuma ekeyn boobka kheyraadka oo keliya. Waxa uu burburiyay dhaqaalaha maxalliga ah, horseedayna dagaallo sokeeye iyo fowdo siyaasadeed oo weli laga dareemayo qaaradda. Tusaale ahaan, Niger oo leh uraniyum fara badan ayaa wali ka mid ah dalalka ugu saboolsan adduunka.

Hadallada Macron iyo jawaabta Afrika
Hadallada Macron ee ku saabsan mahadcelinta loogu baahan yahay Faransiiska waxaa si weyn loogu diiday dalalka sida Mali iyo Burkina Faso, oo dalbaday in ciidamada Faransiiska ay ka baxaan dalalkooda. Afrikaanku waxay arkaan joogitaanka militari ee Faransiiska mid ku saleysan danihiisa gaar ahaaneed, sida helitaanka kheyraadka dabiiciga ah, halkii ay ka ahaan lahayd taageero dhab ah.
Xiisaddani waxay dib usoo noolaysay doodda ku saabsan gumeysiga cusub iyo sida Faransiiska uga faa’iidaystay Afrika, iyada oo malaayiin carruur Afrikaan ah aysan heli karin adeegyo aasaasi ah sida waxbarashada.

Dhibaatooyinka gumeysiga iyo sida looga gudbi karo
Gumeysiga waxaa laga dhaxley dhibaatooyin ay ka mid yihiin:- saboolnimo baahsan, fawdo siyaasadeed iyo kala qeybsanaanta qaaradda Afrika. Mustaqbalka Afrika wuxuu ku xiran yahay ka gudubka raadadka gumeysiga, waxaana muhiim ah in xoogga la saaro dhowr arrimood.

Marka hore, Afrika waa in ay sameysataa nidaam lacageed oo madax-bannaan, gaar ahaan ka madax-bannaan Faransiiska, si ay u gaadho madax-bannaani dhaqaale. Sidoo kale, dalalka Afrika waa inay wadajir u maareeyaan kheyraadkooda si bulshadooda loogu horumariyo. Waxaa sidoo kale muhiim ah in hoggaamiyeyaasha qaaradda ay dhisaan iskaashi dhaqaale iyo siyaasadeed oo xooggan, taasoo ka caawin doonta in ay ka adkaadaan caqabadaha horyaalla. Intaa waxaa dheer, maamul hufan oo cadaalad ah, iyo la dagaallanka musuqmaasuqa, ayaa muhiim u ah horumarka.
Hadallada Macron waxay tusaale u yihiin xiriirka cakiran ee ka dhexeeya Faransiiska iyo Afrika. Si kastaba, Afrika waxay leedahay awood iyo kheyraad aan la soo koobi karin. Haddii qaaradda ay mideyso awooddaas, waxay noqon doontaa hogaamiye caalami ah oo ku dhisan madax-bannaani, sharafta dadkeeda, iyo horumar waara.
Reactions to Macron’s Africa remarks – BBC Africa

Macron savner en takk fra afrikanske ledere for fransk militær tilstedeværelse i Afrika – NRK Urix – Utenriksnyheter og -dokumentarer