Akhristoow – ma qorsheesatay hamigaaga sanadka Cusub
Akhristow, sanadkan 2025 sidee ayuu kuugu bilowday? Maxaa kuu qorsheysan oo aad ku hamiyeysaa in aad ka guul gaarto? Maxaadse kala socotaa waxa ay carruurtaada ku hamiyayaan?
Qoyska ahaan- xusida iyo qiimeynta sanadka cusub iyo kan sii tagaya
Sanadka 2024, aniga iyo gabadhayda waxa uu noogu bilowday annagoo wada daawanayna filimka Long Legs. Isla waqtigaas, waxaan ku mashquulsanaa qorista maqaal wargeys ah, halka wiilasha nin walbaa asxaabtiisa la soo bashaalaayay.
Qoys ahaan, waxaan leenahay dhaqan noo gaar ah: qof walba waxa uu sheegaa waxa uu damacsan yahay in uu guul ka gaaro sanadkaa bilaabanayo. Anigana waan qoraa.
Liiskaas waxa dib loo eegaa habeenka ugu dambeeya sanadka ama subaxa sanadka cusub. Markaas ayaannu is barbar dhignaa wixii qof walba qabtay sannadka oo dhan iyo wixii uu qorsheystay.
Doodda qoyska dhexdiisa waxa ay noqotaa fursad aan ku qiimeyno, layskuna barbardhigo waxa lagu guuleystey sanadkaa iyo waxaan lagu guuleysan. Caqabadaha iyo guulaha waxey ahaayeen. Intaa kaddib, qorshaha sanadka cusub ayaa la dhigaa, waxaana Ilaaheena ka barinaa in uu noogu fududeeyo himilooyinkeena.
Dib u eegista qorshahaa sanad horteed la qorey, waxey ku xasuusineysaa sida uu dadaalkaagu ahaa 365-kii maalmood ee la soo dhaafay. Waxay kuu sawiraysaa guulahaaga iyo qasaarihii aad u martay. Sidoo kale, waxay kugu abuuraysaa mahadnaqa nimcada Rabbiga oo ku siiyey caafimaad iyo awood aad sannadka ku dhamaysato, halka dad badan aysan helin jaaniskaas.
Wararka uga xiisaha badnaa caalamka, bilowga sanadkan- 2025
Waxyaabaha ugu hal-heyska badan ee warbaahinta reer galbeedka ka hadashay sanadkan 2025, oo asbuuciisi labaad aan ku jirno, ayaa ka mid ah:
- Madaxweynaha Mareykanka, Donald Trump, iyo Jasiiradda Greenland
Madaxweynaha cusub ee Mareykanka, Donald Trump, ayaa ku hanjabay inuu xoog ku qabsan doono jasiiradda Greenland, oo ah jasiiradda ugu weyn adduunka oo hoos timaada dalka Denmark. Trump ayaa sidoo kale sheegay inuu diyaar u yahay inuu jasiiraddaas iibsado, taas oo sababtay hadal iyo dood badan caalamka. - Hadalka Madaxweynaha Faransiiska, Emmanuel Macron
Madaxweynaha Faransiiska, Emmanuel Macron, ayaa sheegay in hoggaamiyeyaasha Afrika ay u mahadceliyaan Faransiiska kaalmooyinka milatari ee uu siiyey qaaradda. Macron waxa uu ku adkeystay in taageerada Faransiiska ay tahay sababta ay qaar ka mid ah dalalka Afrika ugu baahan yihiin Faransiiska. Hadalkan ayaa loo arkay mid kibir ah oo caro ka dhaliyey qaar ka mid ah hoggaamiyeyaasha Afrika iyo dadweynaha. - Dabka ka Dhacay California
Sanadkan, dab xoog leh ayaa ka kacay gobolka California ee Mareykanka. Inkasta oo dababku ay caadi ka yihiin gobolkaas, haddana dabkan waxa uu ahaa mid si weyn uga duwan kuwii hore, maadaama uu sababay qasaare aad u weyn oo ay dad badani u arkeen inay tahay mucjiso Rabbi. - Siyaasadda iyo xaaladda dalkeena iyo dadkeena ku sugan yihiin- wax loo dulqaadan karo, ama laga aamusi karo ma aha. Meel walba, qabiil walbaa dagaal iyo dhibaatooyin kala gedisan ayaa ka socda. Intaan isku maqan nahney, aduunkana waa nagu soo maqan yahey. Alloow sahal amuuraha!!!