Greenland, Svalbard, hamiga Donald Trump- iyo tartanka Arktis 

Greenland waa dhul aad u ballaaran oo ku yaal waqooyiga Bariga, kana mid ah meelaha caalamka ugu qabowga badan, ahna jasiiradda ugu weyn adduunka. Greenland  waxay ka mid tahay dhulalka ugu muhiimsan tartanka siyaasadda caalamiga ah ee Arctic.
Dadka reer Greenland waxaa lagu magacaabaa ` Inuit`. Dhulkooda 98% waxaa ka heysta Denmark. Jaziiraddaa ku nool dad gaaraya 56,000 qof, oo 6% dadkaa ka mid ah, waxey yihiin deynish.
Greenland waxey ka tirsan tahay Boqortooyada Denmark, waxay leedahay maamul-hoosaad oo ballaaran oo u ogolaanaya inay ku dhaqaaqdo gooni-isu-taag buuxa, hadey doonayaan. Xiriirka u dhexeeya Grønland iyo Denmark waa mid adag, oo ay ka buuxaan caqabado dhaqaale, taariikh mugdiyeysan iyo tacaddiyo badan.

Xiriirka Greenland iyo Denmark- Is-dheelitir la’aan awood iyo kheyraad
In kasta oo ay Greenland ka hesho Denmakr taageero dhaqaale oo sanadle ah, ku dhawaad 4-5 bilyan (lacagta dayniskha), haddana dadka reer Grønland ah, gaar ahaan dadka Inuit ah, waxay dareemayaan in ay Danmark si xun u soo gubeysatey, oo si xun ula soo dhaqantey. Dhaqankood iyo luuqadood lagala soo dagaaltamey. Dayniskha tiradda yar ee ku nool jaziiradaa ayaa lagu eedayaa in kheyraadka dhulkaa hadey noqoto guryeenta, dhaqaalaha iyo shaqo helitaanka ay dadka tiradda yar ee daynishka helaan, halka dadka xaqa u lahaa xaquuqdaa, laga cunsuriyeeyay. Taas waxey sababtey in dad badan, qaasatan ragga ay is dilaan. Daniskha la soo nacey.

Hamiga iyo damaca Trump ee jaziiradan ayaa waxaa la leeyahey waxey suurta gal ka dhigi kartaa, in Greenland ay ka go`do Denmark, inkastoo madaxda Greenland aan weli ku dhawaaqin wax go`aanah.

Kheyraadka dabiiciga ah iyo muhiimadda Greenland

Greenland waa dhul hodan ku ah kheyraad dabiici ah sida shidaalka iyo macdanta muhiimka ah, taas oo ka dhigaysa goob istiraatiijiyad oo weyn. Donald Trump ayaa sanadkii 2019-ka shaaciyay rabitaankiisa ah inuu iibsado jasiiraddan, balse Denmark ayaa si cad u diiday dalabkaas.
Greenland waxay muhiimad gaar ah u leedahay Mareykanka, maadaama kheyraadka jaziiradaa ay yareyn karo ku tiirsanaanta Shiinaha. Halka goobta juqraafiyeed ee Arctic-ku ay u fududeyneyso Maraykanka furitaanka waddooyin ganacsi oo cusub haddii uu barafku dhalaalo. Dowladaha waaweyn sida Ruushka iyo Shiinaha ayaa iyaguna xiiso u qaba gobolkaas, taas oo dhalisay tartan xooggan.
Greenland, oo ku taalla bartamaha Yurub, Aasiya, iyo Ameerika, ayaa noqoneysa mid xuddun u ah isu socodka ganacsiga aduunka. Mareykanka horey ayuu uga dhistay saldhigyo milateri halkaas, isagoo u arka jasiiradda mid muhiim u ah amniga iyo dhaqaalaha. Si kastaba ha ahaatee, siyaasadda Trump ee ku aaddan ballaarinta awoodda Mareykanka ayaa dhalin karta saameyn la mid ah tan dagaalka Ruushka iyo Ukraine, oo aduunka ka dhaxlay qasaare dhaqaale iyo dhibaato siyaasadeed.

Svalbard iyo Joogitaanka Ruushka
Svalbard waa dhul kale oo muhiim ah oo ku yaal waqooyiga Arctic-ka, kaas oo si gaar ah muhiim ugu ah tartanka kheyraadka iyo marin-badeedka cusub. Norway ayaa si rasmi ah u maamusha Svalbard iyadoo loo marayo Heshiiskii Svalbard ee 1920. Ruushka ayaa muddo dheer joogitaan ku lahaa Svalbard, isagoo ka howlgalayay mashaariic dhanka macdanta iyo cilmi-baarista.

Joogitaanka Ruushka ee Svalbard iyo guud ahaan Arctic-ka ayaa sare u kacay sannadihii u dambeeyay, taasoo dhalisay walaac amni oo ka jira Norway iyo waddamada kale ee Galbeedka. Ruushka wuxuu sidoo kale xoojinayaa joogitaanka milateri ee Arctic-ka, isagoo isticmaalaya Svalbard iyo dhulalka kale si uu u adkeeyo saameyntiisa gobolka.

Gabagabo
Greenland, Svalbard, iyo guud ahaan Arctic-ka waxay sii ahaan doonaan dhulal muhiim ah oo istiraatiijiyad iyo dhaqaale leh. Loolanka kheyraadka dabiiciga ah, marin-badeedyo cusub, iyo awoodda milateri ayaa si weyn u saameynaya siyaasadda caalamiga ah. Tartankan gobolka wuxuu dhalin karaa fursado cusub, laakiin sidoo kale wuxuu soo bandhigi karaa khataro siyaasadeed, iyadoo waddamada waaweyn ee caalamka ay ku tartamayaan sidii ay uga faa’iidaysan lahaayeen gobolka muhiimka ah ee Arctic.