Beesha reer Tanade maxaa kala gudboon doorashadan hadda la geli doono! – qeybta 2-aad

Shan iyo labaatankii sano ay Puntland soo jirtey waxaa soo maray 5 madaxweyne oo isku beel ah. In kastoo 5-taa maamul mid walbaba sameeyay isbedel aad u yar, haddana Puntland waa maamul goboleedka kaliya, marka laga reebo Somaliland, nabad iyo xasilooni heystey mudo aad u dheer, hadana wax horumar ah oo muuqda aan gaarin. Waxaana lagu aaneynayn karaa dib u dhacaa in markii madaxweyne kastaa xukunka la wareego ay la mid tahay in qabiilkiisu maamulkana la wareego. Qabyaalada sidaan ognahney waxey u hiilisaa, hogaanka daneystaha ah oo aan dal iyo dadba dan ka laheyn. Waana sababta ay Puntland horumar u gaari la`dahey mudadaa 25-ka sano ee ay soo jirtay.
Qabiilka Tanade oo ka mid ah qabiiladii ka soo qayb qaatey dhisida iyo difaacidda Puntland, deganna degmooyin badan, waxuu 25kii sano ay Puntland soo jirtay heystey sad-bursi labo kursi ah. Laga soo bilaabo maamulkii C/rahman Faroole ilaa kan hadda dhisan ee Dani waxay si xushmad iyo xasilooni leh u raadinayeen in awood qaybsiga Puntland cadaalad laga dhigo oo beelaha oo dhammi si siman u wada wadaagaan. Nasiib xumase, maamul kastaa oo arintaa la horkeeno marmarsiinyo aan macquul ahayn bey hordhigayeen. Saciid Deni oo ah kan ugu macquul sanaa maamuladaa baa arinta `awodd-wadaaga` ku xiray in 5,000 cod la keeno si baarlamaanka loo hor geeyo.
Tanade oo la xujeeyay maxaad ka filan? Mudo gaaban gudaheed bay todobo kun oo cod hor keeneen madaxweynaha Deni. Balse arintii leysku ogaa in baarlamaanka la horkeeno oo laga wada doodo, warwareejin ayay ku soo dhamaatey. Qasaarada qaladkeed qeybta ugu weyn waxaa iska leh xildhibaanidii beesha matalayay oo mas`uuliyadood garan waayay.
Waxaa ilaa hadda ognahay in rag badan oo aan kala dhacin doorashadaan tartan ugu jiraan. Nasiib xumo se, waxaad moodaa in musharaxiintu hilmaameen waxa ay isku heystaan in ay tahey oo keliya LABO KURSI. Musharaxiin taasi qaarkood hawsha waa ku cusub yihiin, halka qaarka kale la soo tijaabiyey oo la garan karo waxey goyn karaan. Waxey musharaxiintaa ku kala duwan yihiin oo keliya- waa heerka aqoonta, kalsoonida iyo garashada uu ka heysto bulshada uu matalayo ee degaanka Puntland, iyo khibradda uu u leeyahey xalinta baahidood iyo kartida ay matalaadaa mudan tahey.
Adeeradda Tanade ee soo xuli doona siyaasiyiinta 5ta sano ee soo socda, kuna matalli doona beesha barlamanka Puntland, waa in iyaga marka hore sharuudo lagu xiraa. Isinimaddu waa sharaf iyo kalsooni la muteytso, lana lumin karo. Isamadda Tanade ha yeeshaan marka hore qiyam ka wada dhaxeeya iyaga. Kaas oo ah (1)- Qaybshaa qadaa iyo (2) Bahdilida 2da kursi sidii looga gudbi lahaa. Markaad qiyam leedihiin, talo wadaag idinka dhaxeyso markaas baad dooran kartaan siyaasiga maantey loo baahan yahey oo ah geesi hawshiisa qaban kara, jeebkana aan la gashan karin.
Waxaa nalagu yaqaan in aan leenahney wiil hiilaya, waa in nalagu yaqaanaa sidoo kale in aan leenahney odeyaal taliya oo xil garrad ah qaadi karana guluf dheeraad ah iyo hoggaan siyaasadeed.