Sad-bursi iyo qanac la’aan ma u dhaqan baa!- qeybta 1-aad.

Doorashada Puntland ee sanadkan waa mid ka xiiso badan, ka rajo badan, kana xamaasad badan doorashooyinkii hore ee Puntland soo marey.
Waa marka horee dhawaan waxa uu maamulka SSC iyo isimadooda ku dhawaaqeen go`aan buuq badan dhaliyay, balse ahaa go`aan la filanayay. Waxey sheegeen in ay isaga baxeen maamulka Puntland, islamarkaana aysan ka qeyb geli doonin doorashada xildhibaanada baarlamaanka ee Puntland oo dhici doonta 8-da bishan Janaayo, 2024. Waxyaalaha buuqa sababey ayaa ka mid ahaa sidee laga yeeli doonaa 17-ka xildhibaano ee liiska doorashada ka baxey mar ay doorashada ka dhiman tahey maalmooyin keliya. Tan ka muhiimsan ee kala go’a SSC iyo Puntland oo weli laga doodin ayaa ah- sidee kala guurka labada maamul loo ajiibi karaa dhaqaale ahaan, siyaasad ahaan iyo degaan ah? Sidee iyo ilaa xad intee le’eg ayay Puntland ka taageeri kartaa dhisida maamulkaa cusub ee SSC? Sideese labo maamul oo madax-banaan, deris ah, taariikh wadaaga u samaysan karaan isbahaysi xooggan oo dhan walba ah?

Marka labaad- maamulka Puntland ayaa ku guuleystay dhawaan hirgelinta nidaam doorasho oo taariikhi ah, oo aan ka dhicin dalka muddo nus qarni ah. Doorashooyinka golaha degaamada Puntland oo ka kooban 35 gobol ayaa labo gobol mooyee, inta kale looga codeeyay- hal qof iyo hal cod. Waxay taa macquul ka dhigtey in nidaamka 4.5 laga tilaabsan karo loona gudbi karo nidaam loo wada siman yahey oo dadka oo dhan ka wada dhaxeeya. Nasiib xumase, doorashooyinkaa taariikhiga noqdey ma noqon guul waarta, oo mucaaradkaa ka hor yimid. Dad badana ku naf waayay.

Marka sedexaad- qaran ahaan, Soomaaliya waxey dhex-jabaaxeysaa isbedelo waaweyn oo saameyn ku yeelan doona Puntland, siyaasad ahaan, amni ahaan iyo dhaqaale ahaanba. Isbadalada waxaa ka mid ah deyn cafinta Soomaaliya ku guuleysatey dhawaan, la dagaalanka iyo ciribtirka argagixisada, cunaqabatayntii hubka oo laga qaaday dalka, dastuurkii wax kala hagi lahaa oo aan weli dhameystirneyn, xiriirka u dhaxeeya dowladda federaalka ee Soomaaliya iyo maamul goboleedka Puntland oo aad u liita, mudo 2 sano ah waxaa dalka ka dhici doona doorashooyin aan la qiyaasi karin jihadeed, nidaamka dowladnimo ee dalka oo weli qabyaalad iyo 4.5 ah.
Caalam ahaan, waxaa socda tartan loogu jiro sidii Afrika loo hanan lahaa, oo Yurubta cusub looga dhigi lahaa umaddo aan umadeed aheyn, umadeedana adoomo looga dhigi lahaa umadahaa. Waa qaarad weyn oo aan dad heysan, hadana ka buuxdo kheyraad dabiici ah iyo mid bini`aadam oo aysan dalalka awoodda leh heysan maantey. Isbedelka cimilada iyo khatarkeed oo sii kordhaya, halis weyna ku ah dadka iyo dalka. Maalmahan waxaa aad loo hadalhayay faa`iidada iyo qasaarada ay yeelan karto aaladan cusub ee AL (caqliga la abuurey ama artificial intelligence) iyo sidii loo maareyn lahaa. Halka soomaali ay halistan ku baraarugsaneyn.
Isbedeladaa aan soo dhiraandhiriyay ee heer deegaan, heer qaran iyo heer caalamba saameyn weyn ayay ku yeelan doonaan dalka iyo degaanka ahaan. Puntland waxey maantey u baahan yahey siyaasiyiin matali kara dadkood, xalin karana baahida jirta, horumarna u hoorseedi kara bulshada. Waxaa loo baahan yahey maamul iyo siyaasiyiin isla shaqeyn kara oo mudo 5 sano ah ku qaban kara waxaan 25-sano sadex beel ku qaban weysey.