Ma raggaa eedeesane ah, mise hooyaa wax kharibeysa! Gunta dhibka maxey tahey? 

Dhibka ugu weyn ee dagaalkii sokeeya iyo burburkii qaranimadda Soomaaliya laga dhaxley, ayaa ah fikradd ahaanteyda dhibka soo gaarey burburka quluubta iyo hamiga umadda soomlaaiyeed.

Soddon-sano iyo ka badan ​​dhibab lagu jirey, ayay maantey du egtahey in laga soo kobcayo. Oo uu jiro rabitaan iyo damac horumar. Balse tacliintoo liidata, faqrinimadoo badan, haykalka dawladnimo oo liita, amaanka oo xun iyo dowlad aan awood kaamil iyo garasho u laheyn buuxinta baahidada aasaasiga ee muwaadiniinteeda waxey sababeen in hiigsadka horumarkaa uu wakhti dheer qaadan doono.

Nimankan aan ku eedeynayno bahdilka dumarka, horta ma lays weydiiyay waxa ay nimankaa ku abtirsadaan. Guryaha ay ka soo baxayaan. Hooyadda soo korosey. Mise waa niman habeen madow cirka laga soo tuurey. Loona keeneyna in ay dumarkood bahdilaan. Oo ay dhibaateeyaan. Mise waa niman geed ku xirnaa oo hadda bulshada lagu soo daayay.
Faaraxyadda maantey la eedeynayo, shaley waxa ay ahaayeen caruur hooyo soo korisey, gabdho walaalo ah la soo korey. Hadaba xagge xeero iyo fandhaal iska haleeli la`yihiin?
Hawl aduun la qabto, tan ugu culus, ee ma dhammaatadda ah waa waalidnimadda, qaasatan hooyanimada. Oo ah aasaaska nolosha ee bulsho.
Ma lays oran karaa aasaaskaa baa wax naga qaldan yihiin. Hadii hanaankii barbaarinta wax naga qaldan yihiin, sidee natiijo fiican u filan karnaa?

Faaraxyo u naxariista Xaliimooyinkood hadii la doonayo, waa barbaarinta xal laga eegaa!