WARQAD FURAN!

KU:

Guddoomiyaha Golaha shacabka Prof. Maxamed Cismaan Jawaari,

CC: Ku xigeenada gudoomiyaha baarlamaanka

Gudoomiyayaasha 14ka guddi hoosaad iyo dhamaan Xildhibaanada Baarlamaanka ee Federaalka Soomaaliya.

Salaan Islaanimo, ka dib.

Mudane Jawaari, waxaa warbaahinta Jowhar.com daabacdey 26 Julay http://www.jowhar.com/2017/07/26/baarlamaanka-soomaaliya-oo-deg-deg-ugu-yeeray-wasiirka-dastuurka/ inaad ku amar bixisey, in Wasiirka Dastuurka C/raxmaan Xoosh Jibriil uu Baarlamaanka yimaado axadda 31/07-2017. Yeeritaankaasna uusan ku saabsaneyn gudsasho xumo uu Wasiirku ama wasaaradiisa ay ku gudan waayeen howlahooda, balse ay tahay inuu wasiirku aragtidiisa ka dhiibtey qodob dastuuri ah. Isagoo isticmaaley xariyatul qawlka (freedom of speech) sharcigu siinayo.

Hadaba maxaa Baarlamaanka la gudboon marka mid ka mid ah xubnihiisu (Xildhibaan), uu ku xad gudbo sharafta iyo karaamada meydka askari dareys xiran oo ku dhintey isagoo sugaya amaanka xildhibaanka iyo kan dadweynaba?

Xildhibaan lagu magacaabo Mahad Salad ayaa bartiisa Facebook ku soo qorey arabacadii la soo dhaafey 26/7- qoraal uu ku eedeenayo dowlada iyo wax qabadkeed. Waxuu soo qorey sidan:-

Su`aashu ma ahan in Xildhibaanku xukuumadda dhaleeceeyo ama tilmaamo waxey ku guuleysteen iyo waxey ku guul dareysteen, laakiin dadaalkaa Xil. Mahad waxuu fool-xumo isku badaley markuu damcey in uu qalad ku saxo qalad. Sawirka uu Xildhibaanku damcey inuu dowladu ku dhaliilo, Somali badan ayuu ka careysiiyay.

Sawirkaa waa marxuum Ciise Jiijiile, gaashaanle, halyey, wadani iyo geesi. Rabi qabrigaa ha kuu iftiimiyio. Waa aabe, caruur badan ka tagey. Waxuu horey u soo noqday taliye ku xigeenka nabad sugida ee gobolka Banaadir. Dhowr jeerna wuxuu ku dhaawacmay isagoo sugaya ammaankaaga iyo Xildhibaanadda, mana mudna in loogu abaal gudo in meydkiisa barraha bulshada la soo dhigo iyadoo loo isticmaalayo fursad siyaasadeed oo xukuumadda lagu ceebeenayo.

Ficilka foosha xun ee lagu yiqiin kooxaha argagaxisada, dooni meyno inuu noqdo ficil la caadeysto. Mudane Jawaari iyo Xildhibaanada sharafta leh, idinkoo dhowraya sharafta umadda somaliyeed geeri iyo nololba, idinkoo ka hortagaya caadooyinka xun, waa in aan laga aamusin sixida qaladkan.

Waad mahadsan tihiin

Ubax Cabdulaahi Aden

Wadaniyad aan qaladka ogaleyn.

 

 

Categories: Somali articles

Leave a Reply