Somaliya kala qeybsami meyse dhibka ha laga daayo!

16kii april ee sanadkan 2014 ayaa codsi ku saabsan in la aqbalo Somalialand loo soo gudbiyay golaha degaanka ee magaalada Oslo. Codsigaa waxaa soo gudnintiisa ka mas`uul ahaa Bashe Muse “BM”.

Aqbalaada codsiga ee Somaliland markii la soo gudbiyay ayay Khaatumo state iyagana codsigaa oo kale soo gudbiyeen. Iyagoo doonaya in iyagana la aqoonsado. Taa hadana waxaa sii xigtey in codsi kale la soo gudbiyay. Codsigaan waxuu ku saabsanaa casilaad. Lagu codsanaya in uu BM iska casilo xirka uu isku magacaabey inuu bulshada u hayo. Xilkaa oo ahaa “gudoomiyaha bulshada soomaliyeed.

Golaha degaanka awood ma u leeyahay xalinta arrintan?

Siyaabooyin kale gedisan ayaa codsi loogu soo gudbisan karaa golaha degaanka ee Oslo. Qeyb ka mid ah sharciga golaha degaanka ayaa sheegeysa in muwaadaniinta gobolka ay arrimahooda si toos ah ugu soo gudbisan karaan golaha degaanka. Waxayse ku xiran tahay ineey soo buuxiyaan shuruudda ay ka kid yihiin. In dadka codsigaa soo gudbinaya ay wataan ugu yaraan 300 oo cod ku taageersan codsigaa. Tan 2.aad, codsigaa la soo bandhigay waa inuu yahey arin quseysa degaanka oo anfac u yeelan karta bulshada. Iyo in golaha  degaanka uu awood u leeyahey wax ka qabadka arinta loo soo bandhigtey.

Baahida bulshada ee reer Oslo

Ugu yaraan 630 000 oo qof ayaa ku nool magaaladan Oslo. Oo baahidooda kala gedisan ka haysta, markii laga fiiriyo dhanka wax barashada, caafimaadka, wadooyinka, nabada, shaqada, guryaha iwm. Oo uma arko in ay dan iyo baahi ugu jirto Somaliland la aqoonsadkeeda iyo la aqoonsanaanteedaba. Tan kale Somaliland kama mid aha degaanada Oslo ee Norwey. Waa gobol ka tirsan Somalia mana jiro aduunka meel aqoonsatey gobol aan weli dadlkiisa iyo dadkiisa laga aqoonsan. Xadgudub qaran oo fool xun ayayna ku noqon laheyd  hadii dalkan arintaa aqbali lahaa. Markaa golaha degaanka awood uma laha hirgelinta iyo ka hadalka codsigaa.

Markii uu kiiskan u soo gudbey Golaha degaanka , waxey natiijadii noqotey in la soo af jaro codsigii, oo aan laga doodin.

Hadaba maxaa kalifey sheekadan?

Dagaal sokeeye oo aad u dheer kadib maanta Somalia waxay u socotaa dhanka nabada iyo horumarka. Waxey u egtahey dal iyo dad dagaalkii iyo neceybkii ka hor yimid oo doonaya sidii ay nabad iyo horumar ku gaari lahaayeen.

Meelo badan oo wadanka ka mid ah waxaa usoo noqday xasilooni iyo kala dambeyn. Sidoo kale waxaan ognahay in Somaliya ay ku heshiisey oo ay qaadatay nidaamka Federaalka ah, taasoo ah in labadii Gobol iyo in ka badanba ay xaq u leeyihiin inay sameystaan maamul goboleed hoos yimaada Dawladda dhexe.

Dhulka Somaliyeed ee la magic baxay Somaliland waa dhul Somaliyeed waxaana ku nool beelo badan oo aan isku fikrad ka ahey arrintan uu BM soo bandhigay. Mana aha dhul ay hal beel leedahay. Waxaa maanta ka jira ilaa labo gobol dawladeed iyo weliba gobolo kale oo aan dooneyn inay Somaliya ka go`aan sida: Awdal State of Somalia, Khatumo State iyo Gobolka Sanaag oo iyagu kamid ah dawlad goboleedka Puntland.

Aqoonsadka Somaliland waxey ila tahey in ay tahey howl u taala umadda Somali oo dhan. Balse markii qurba joog la yahey oo magaca Somaliweyn laysku dhiibo oo sharciyo lagu qaato. Ma mudna in lays xumeeyo, oo sidaa laysku abaalmariyo.

ILaahow wixii kheyr iyo wanaag ku jiro, noo sahal

Ubah Aden

Xildhibaanada Oslo

 

 

 

Categories: Somali articles

Leave a Reply