Qaraabo, ma dhiigbaa mise is fahan?

Qaraabo waxaan u aqaan inta ka baxsan inta mas`uulkoodu i saaran yahey, inta i dhashey, inta ila dhalatey iyo inta aan dhaley. Diin iyo dhaqan waxey qaraabo tahey, iyo wanaaga iyo ajarka ku jira xiriirinta ehelka kuma saabsana qoraalkan. Waxaan rabaa inaan yara iftiimiyo qeybta xun ee isticmaalka qaraabo.

Waxaan is iri maadaama ay aqoonta dowladnimo ay nagu yara gaaban tahey, dhaqan reer baadinimo asal loo leeyahey, mudo dheerna dagaal iyo burbur lagu jirey, bulsho horumarteyna aan weli la noqon ayaa taa sababtey in qaraabo gasho booskii u hogaansanaanta nidaam dowladnimo. Oo qaraabo noqotey nooc ceymis ah, oo isticmaalkiisu awood yeesho markuu dhib yimaado.

Tusaale ahaan, adigoon weligaa lagu tirsan, lagula soo xiriirin, xaaladaada laga war heyn, baa markuu dhib yimaado qiimo yeelan oo lagu soo raadin. Oo lagugu qasbi inaad ka qeyb qaadato caawin iyo xalin dhib aadan aqoon u laheyn, just because qaraaba la` yahey. Balse hadii ilbax la ahaan lahaa, oo la aamini lahaa nidaam dowladeed, xalinta dhibkaa dowladaa loo deyn lahaa. Oo dhib geystahana waxuu garan lahaa inuu mas`uul ka yahey dhibka uu geystey iyo xalka ka soo baxa. Nasiib xumase waa halkan meesha ay qaraabo xad gudub badan ku geysato.

Waa marka hore key caawinayaan oo ay is leeyihiin u naxariista, weligii baran maayo dhibka uu geystey iyo saameyntuu yeeshey. Halis joogta ahna wuu ku noqon karaa bulshaduu la nool yahey. Oo inuu mar kale dembigii galo ama mid ka xun waa macquul. Marka xiga, dhibanihii dhibka loo geystey waa lagu xad gudbey, oo colaad ayay keeni kartaa ficilkaa. Tan saddexaad, adigii miskiinka ahaa oo shilinba shilin ku xir ku noolaa, baa caawinta dambiilahaa dembi kuu keeni karta. Tan afraad, qaraabadii isu heysatay in ay awood leeyihiin, aaminsanaana in dhib lagu xaliyo xoog, bey qalbiga ka dilayaan jiilkooda cusub oo waxaa ka ilbaxey, kana han weyn. Waa jiil hiigsanaya horumarka aduunka, daacadna u ah nidaamka wanaagsan ey helaan.

Dhanka kale ay qaraabo ku liidato ayaa ah isla shaqeyn xumada. Weli ma arag qaraabo isu soo istaajisey xalinta dhibka abaaraha iyo saboolnimada. Shakhsi shakshsi iyo kooxo kooxo ka shaqeeya mooyaane. Weli marag qaraabo isu istaajisey difaaca xaquuqda dadka dhibaateysan. Weli ma arag qaaraan qaraabo oo dumar loogu hiilinayo. Laakiin waxaan arkey qaraabo geeso yeelato, markuu qof qofkooda ah dhib gaarsiiyo qof kale. Qofkaana yahey nin. Dhinacyadan aan taabtey waa meelaha isticmaalka qaraabo ay ku xun tahey. Loona baahan yahey in jaahilnimadaa laga koro.

Waxaan aaminsanahey kala dambeyn iyo nidaam raacid. Iyadoo ay qaraabo dhiig tahey, beyn hadana qaraabadeydu tahey kuwa aan is fahano. Kuwa garanaya sharafta iyo qiimaheyga (integrity, value). That’s my qaraabo. Not by blood.

 

Categories: Somali articles

Leave a Reply