Gudniinka iyo dareenka dumarka!

Sheekadani waxey dhacdey dhowr maalmood horteed. Sidanna wey u dhacdey.

Waxaan la kulmey dhowr dumar ah. Sheeko baan na dhex martey. Sheekadii baa waxaa soo dhex galey mawduuca gudniinka. Mid ka mid aheyd dumarka baa ka cabatey in gabadheeda ay ku jirato dhiiga caadada. Qaar ka mid ahaa dumarkii baa ku taliyay in gabadha la geeyo isbitaalka si loo furo. Halka kuwo kale ay soo jediyeen in quraan lagu akhriyo.

Sheekadii baa sii socotey oo mid ka mid aheyd dumarkii baa tiri, `Ma jiraa isbitaal soo celin kara waxa gudniin lagaaga gooyay? Hal mar baa gabadhii la wada eegey, sidii in ay wax xun sheegtey oo kale. Hadalkii bey sii wadatey, oo waxey tiri “Hadaan awood u yeelan lahaa maantey, waan soo ceshan lahaa qeybta jirkeyga gudniinka dartii la iiga gooyay”. Maxay noloshu qiimo ku leedahey hadaadan waxba dareemeyn, ayay hadalkii ku soo xirtey? Waa hooyo da` weyn qofka sidaa u hadlaya. Waa hooyo mudan in xanuunkeeda la qiimeeyo lana dhageysto

Hadalkeedii dood kulul buu ka dhex dhaliyay dumarkii. Qaar baa ku doodaya in gudniinku yahey dhaqan xun, laakiin dareenka dumarka iyo gudniinka aysan isku xirneyn. Halka qaarka kale ay ku doodayaan in gudniinka iyo dareenka ay isku xiran yihiin, oo gabadha la gudey ay ka dareen ama kacsi yar tahay tan aan gudneyn.

Doodaa waxey i soo xasuusisey baaritaan uu sameeyay Barry McCarthy, sanadka ma xasuuto, laakiin waxuu ku sheegayaa baaritaankiisa in 5tii dumar, mid ka mid ah ay biyo-baxdo markey galmada ku dhex jirto. Halka dumarka badankii ay raaxeyn iyo u salaaxid kintirka ay ku biyo baxaan. Su`aasha halkaa iman kartaa, ayaa noqon karta `Ma dumarka la gudey, weliba kuwa kintirka laga gooyay, miyey ka raaxo yar yihiin dumarka aan gudneyn? Dareenka kacsiga dumarka iyo gudniinka miyuu isku xiran yahey? Ma jiraan baaritaano dhankaa laga sameeyay oo dadkeena sameeyeen? Mase leys oran karaa, waxey bulshada maantey u baahan tahey dad dadkeed ah, oo u soo bartey cilmiyada ay ka mid yihiin psychology, sexiology iyo anthropology (cilmiga la xiriira barashada daaweynta miyirka, raadraaca dhaqanka iyo taariikhda iyo galmada iyo raaxeynta). Barashada aqoontaa waxey sahleysaa, dhibaatooyin badan oo jaahilnimo darteed ceeb looga dhigey in laga wada hadli karo.

Ka hadalka mawduucaan waxaa igu kalifey sheekadaa aan bilowga qoraalkan idinla qeybsadey. Waxaa dhici karta in dad qaarkii ay u arkaan qoraalkaan ceeb iyo wax aan laga hadli karin. Muhiim iima aha aragti shakhsi. Waxaa muhiib ii ah in aan nahney, noqon karnana bulsho aqoon leh, wada hadli kara iyagoo kala fikrad gedisnaan karaan. Wada hadalkaa, is baraarujintaa iyo aqoon wada wadaaga waxey noo sahleysaa in aan xalisan karno dhibkeena, intii xal aan na anfaceyn, naloogu xalin lahaa.

La soco qeybta 2aad ee qoraalkan oo xalka dhibka uga hadli doono, hadii Rabi idmo.

Categories: Somali articles

Leave a Reply